Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa Maareeye Cusub u magacaabay Garoonka diyaaradaha degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Xasan Xuseen ayaa waxaa xilka Maareeyaha Cusub ee Garoonka diyaaradaha Xudur loogu Magacaabay Cabdullaahi Aadan Cabdiraxmaan (Hareedow), halka ku-xigeen looga dhigay Saalax Xasan Maxamuud.
Cabdullaahi Hareedow ayaa waxaa uu bedelayaa maareeyihii hore ee Garoonka Xudur Axmed Muktaar Aadan (Tuke), kaas oo xilka qaadis uu ku sameeyay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed .
Masโuuliyiinta Cusub ee la Magacaabay ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday, isla markaana waxaa hayโaddaha amniga Xudur laga dalbaday inay la shaqeeyan Masโuuliyiinta Cusub.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.