Diyaaraddii ku burburtay garoonka Beledweyn ayaa la sheegay in ay dhacday ka dib markii ay aragtay dameer ku socday jidkii ay ku degi lahayd.
Diyaarad oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Bluebird Aviation oo laga leeyahay Kenya ayaa shalay ku dhacday magaalada Baledweyne xilli ay cagadhiganeysay.
“Shilkaasi in uu dameer sababay waxaa noo xaqiijiyey shaqaalihi diyaaradda saarnaa, ciidamada AMISOM ee garoonka ku sugan iyo duuliyihi diyaaradda saarnaa intaba,” sida waxaa xaqiijiyay maamulaha shirkadda diyaaradda Bluebird.
Diyaaraddaasi wuxuu nooceedu ahaa Dash 8-400 oo lagu sameeyey dalka Australia, waxay dalka Kenya uga diiwaangashaneed 5Y-VVU. Wuxuu dhaawac fudud gaaray shaqaalihii saarnaa.
Maareeyaha Guud ee shirkadda diyaaradaha Bluebird, Duuliye Xuseen Maxamed, ayaa ka warramay shilkaas iyo waxa sababay.
“Mid ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddu lahayd ayaa ku burburtay gudaha Soomaaliya, waxayna siday raashiin loogu talagalay ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM ee ku sugan magalada Beledweyne,” ayuu yiri Xuseen.
Diyaaradda burburtay markii ay gaartay garoonka diyaaradaha Beledweyne, ciidamada Jabuuti oo garoonkaas gacanta ku haya ayaa amar ku siiyey iney soo degto.
“Diyaaraddu waxay subixi hore ka soo kacday Jabuuti, markii ay garoonka soo cagadhiganeysay waxaa waddada marayay dameer, diyaaradduna waxay ku dhacday dameerki sidaas ayeyna waddadi uga baxday balse shaqaalihi saarnaa way ka badbaadeen shilkaas”.
“Diyaaradda markay cagadhiganeysay oo 200 oo mitir qayaasti ay dhulka u jirtay, dameer ayaa si kedis ah duurka uga soo baxay oo waddadi ay diyaaradda ku dagi lahayd ka gudbay.
“Diyaaraddii dameerkii ayey ku dhacday shilkaasina sidaas ayuu ku dhacay. Alxmadulillah seddexdii qof oo diyaaraddaas saarnaana wey ka badbaadeen,” ayuu yiri Kabtan Xuseen Maxamed.
Diyaaraddan ayaa noqoneysaa tii seddexaad oo laga leeyahay dalka Kenya oo ku burburto gudaha dalka Soomaaliya seddexdi bilood ee ugu dambeeyey, iyada oo shilki ugu horreyey uu dhacay 4-ta bishii May.
Shirkadda diyaaradaha Blubird Aviation oo ah shirkad diyaaradeed oo maxalli ah oo laga leeyahay dalka Kenya kana diiwaangashan laga billaabo 1992-kii waxay ka howlgaleysay gigada diyaaradaha duullimaadyada maxalliga ah ee Wilson.
Diyaarad ay lahayd African Express oo ku dhacday meel ku dhow Bardaale ee dalka Soomaaliya waxaa ku dhintay dhammaan lixdi qof ee saarnaa.
Xigasho;BBC