Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu diay mid kamid ah dhalinyarada ku shaqeeysata Mooto Bajaajta ee howlgala Magaaladaas.
Dad ku sugan Baladweyne oo la hadlay Warbaahinta waxaa ay u sheegeen in dilka loo geystay Darawalka Mooto Bajaajta uu ka dhacay Xaafada Buunda-weyn, isla markaana loo adeegsaday dilkiisa Tooreey, loogana dhuftay qeybaha sare ee jirka.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Caydaruus Calawe Siyaad, waxaana falkaas u geystay rag hubeysan oo bucad ahaa oo doonayay inay ka dhacaan Mooto Bajaajta uu shaqeysan jiray Marxuumka.
Intaas kadib ayaa waxaa Xaafada Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne si dhaqsi ah uga baxsaday ragii burcada ahaa, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay horey u qaateen Telefoon uu watay Caydaruus.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan rag hubeysan, welina ma jiro cid loo soo qabtay dilkii xalay ka dhacay halkaas.