Musharaxa Madaxweynaha dalka Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa u doortay inay noqoto Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris oo ah haweeney Madow ah oo ka soo jeeda gobolka California.
Biden oo goor dhow ku dhowaaqay warkan ayaa ku tilmaamay Kamala Harris inay tahay dagaalyahanad geesi ah.
“Waxa ay ii tahay sharaf in aan ku dhowaaqo in aan xushay Kamala Harris,”ayuu ku soo qoray Biden goor dhow boggiisa Twitterka.
Kamala oo ah 55 sano jir ayaa waxaa iska dhalay aabbe Jamaican ah iyo Hooyo Hindi ah waxana ay baratay cilmiga sharciga waxaana laga soo doortaa gobolka California iyadoo kamid ah aqalka congresska dalka Maraykanka.