Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga hortimid xiriirka rasmi ah ah oo ay ku dhawaaqeen Taiwan iyo Somaliland kadib markii Tawain ay xafiis ka furatay maalintii Isniintii magaalada Hargeysa.
Afhayeenka u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha oo lagu magacaabo Zhao Lijian ayaa u sheegay in dunida u aqoonsantahay Tawain gobol kamid ah dhulka Shiinaha.
“Adduunka waxa uu aqoonsanyahay hal wadan oo Shiine la yiraa, waana Sida Caalamku nagu tix galiyo” ayuu yiri Zhao.
Zhao ayaa carabka ku adkeeyay isku day kasta oo Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Horumarinta Dimuqraadiga Taiwan (DPP) ee lagu kala goynayo Shiinaha inuu yahay mid inuu fashil ku dhamanaya.