Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.
Axmed Madoobe oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo, kaddib todobaadyo uu ku sugnaa Nairobi oo howlo caafimaad u joogay ayaa horay uga baaqsaday Shirkii 15-kii bishan ka furmay Dhuusamareeb.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo xulufo ah ayaa shir wadatashi ah oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashada ku dhex mari doonaa magaalada Garowe.
Jubbaland iyo Puntland ayaa horay uga hor-yimid heshiiskii Dhuusamareeb 3, iyagoo sheegay in aanay qeyb ka aheyn oo ahaa aragti ku koobnaa Madaxdii ka qeyb gashay shirkaas.