
Midowga Musharaxinta ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu carqaladeynayo wadahadallada midowga musharraxiinta iyo Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya.
โWaxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raisalwasaaraha iyo Midowgaโ
โKaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiintaโ ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay midowga musharraxiinta.
Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta in la fashiliyo wadahadallada u dhexeeyay Raโiisul Wasaaraha iyo mucaaradka.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen dowladda inay ilaaliso amniga shacabka ka qeybgeli doono dibadbaxyada ay ku dhawaaqeen in Sabtida ay ku qaban doonaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli shaley Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya iyo midowga musharraxiinta ay kulan ku yeesheen Muqdisho, waxayna ku heshiiyeen in mucaaradka ay qabsadaan dibadbaxyo nabdoon ammaankiisa ay xaqiijiso dowladda.
