Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.
Dalka oo dhan waxaa xanuunka laga baaray 1,199 qof, waxaana laga helay 126 qof, iyadoona xaaladaha ugu badan laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho.
74 kiis ayaa laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, iyadoo 41 xaaladood laga diiwaangeliyay Somaliland, Jubbaland 6 kiis, Hirshabelle 4 kiis iyo Galmudug oo 1 kiis laga diiwaangeliyay.
87 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxaa weeye rag, iyadoo 39 kalena haween yihiin, waxaana xanuunka ka bogsaday 32 qof.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dalka laga diiwaangeliyay 6 xaaladood oo dhimasho ah.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in tirada guud xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay ay tahay 7,518 kiis, iyadoo tirada guud ee ka bogsatay yihiin 3,846 qof, halka 249 qof-na ay u geeriyootay.
Dowladda Somaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo soo rogto awaamiir hor leh, oo lagu xakameynayo faafitaanka xanuunsidaha COVID-19.
Somaliya ayaa la hardameysa wareeg 2aad oo xanuunka COVID-19 ah, wuxuuna xanuunka u muuqdaa mid mararka qaar gilgilaya awoodda hay’adaha caafimaadka iyo isbitaalada, gaar ahaan marka uu qofka u baahdo qalabka lagu neefsado.