Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Talyaaniga ee dalka u joogga, Amb. Alberto Vecchi.
Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirkiisa Gaadiidka & Duulista Hawada, Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud, halka Danjirahana uu ku wehlinayay Kuxigeenkiisa Massimiliano Bertollo.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug oo kulankani lagu faah faahiyay ayaa u qornaa “Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi kaariye “Qoorqoor” iyo Wasiirkiisa Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga, Mudane Alberto Vecchi iyo Kuxigeenkiisa.
“Kulanka ayaa looga wadahadlay howlaha horumarineed ee Dowladda Talyaaniga ka waddo deegaanada Galmudug.
Danjiraha ayaa u xaqiijiyay in Dowladda Talyaaniga sii xoojin doonto teegeerada shacabka iyo Dowladda Galmudug.
Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahadceliyay garab istaaga Dowladda Talyaaniga iyo maalgelinta mashaariicda horimarineed.”
Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Danjiraha Talyaaniga ee dalka
previous post