Maanta waxay ku beegnayd 20ka November oo ku astaysan maalinta caruurta aduunka taasoo dabaaldegyo lagu xusayay lagu qabtay meelo kala duwan oo aduuunka ka tirsan.
Waa maalin loo asteeyay in looga hadlo xadgudubyada loo gaysto caruurta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xuquuda caruurta.
Gudaha dalka Soomaaliya waxaa lagu qabtay magaalooyin badan munaasabadu lagu weynaynayay maalin caruurta. Iyadoo wasaaradaha, Dowlada Dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay ku qabteen xafiisyadooda kulamo ay ku soo bandhigayeen xaalada caruurta soomaaliyeed taasoo runtii hadal maalin loo mariyay hawada waxba looga qabankarin.
Xaflado badan ayay qabteen wasaarado ka jira maamul goboleedyada dalka. Sida punt land, Jubaland,Galmudug. Magaalada Baydhabo waxaa ka jirto Dowad Gobokeedka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Waxay leedahay wasaarad qaabilsan arimaha caruurta. Hadana manta ma jirin xaflad muuqata oo ay qabatay wasaarada, iyadoo manta ay ahayd maalinta kaliya ee wasaaradaha hadal afka baarkiisa ah maqashiin jireen dhegaha bulshada soomaaliyeed ee caruurtooda yihiin kuwa dayacan ee magacooda lagu qaraabto.
Tan iyo markii la dhisay dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya oo had u dabaal degtay laba sano guuradadii ma jirto waxqabad muuqda oo ay wasaarada arimaha caruurta u samaysay caruurta ku nool deegeenada loo ikmaday.
Wax ay qabato daaye waxay kari weyday in ay xusto munaasabadii xuska maalinta caruurta oo ku beegnayd maant oo ay tahay 20 november ee maalinta caruurta aduunka.
Waxaa jira caruur badan oo soomaaliyeed oo ku dayacan xaafadaha, gobolo,degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan dalka soomaaliya. Tiiyoo ay intaasi jiraan caruur badan oo ay waalidiintooda dhinteen ama daruufo dhaqaale haysato kuwaasoo noqday darbi jiif cidna u maqnayn ceelna u qodnayn.
Xuska iyo munaasabdaha la sameeynayo kuma filna wax ka qabashada xaalada caruurta soomaaliyeed. Balse waa mid u baahan in si dhab ah loogu kaco si loogu helo caruurta soomaaliyeed waxbarasho iyo nolol mustaqbal iyo aayo tiin wacan. Inkastoo Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed tahay mid curdan ah oo wax walba oo ayDowlad qabankartay ugu yaraan wax ay qabatay haba ugu badnaatee dhanka ammaanka, hadana waxaa jira wasaarado ay madax ka yihiin wasiiro itaal daran
Oo aan ka dhex muuqan wasaaradaha la midka ah ee wax qabadka leh
Kuwaasoo wax qabad iska daayo xilkoo la doortay ka soo bixi waayay oo noqday kuwa in ay xaflad ka hadlaan howshooda ku koobay.
Sikataba ha ahaatee maalinta caruurta aduunka hadal laga sheego xaflad mashruuc lagu qaatay, ma’ahayn ujeedooyinkii loogu asteeyay manta oo kale in la xuso, waxay ahayd sanad walba in mar aduunyada dajiso Qorshe sanadeed kaasoo wixii ka fuli waayay iyo wixii ka fulay la’iska warsado manta oo kale si loo dhamaystiro qorshihii hore isla markaana koo cusub la dajiyo. Balse kuwa soomaalida manta u ah wakiilada uma fahamsana sidaas, laakiin waxaa jiri doonto maalin ay fahmi doonaan oo caruurta manta ayqaraabanayaan magacooda cududooda iyo lixaadkooda intay isgaarto tooda ay ahaan doonto.