Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo dhaweysay goโaankii uu raโiisul wasaare Rooble uu shaqada uga joojiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin iyadoo uu hore uu maamulka Jubbaland u soo dhaweeyay tallaabadan.
Qoraal goor dhow laga soo saaray Madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa sidan.
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Raโiisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.
Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Raโiisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa goโaanka Raโiisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hayโadda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka.
Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.