Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeybgalay kulan isugu jiray Qada sharaf iyo Isxog-wareysi uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan uu ugu Sameyey Hoyga uu ka Degenyahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay arimaha Doorashooyinka gaar ahaan doorashada aqalka hoose xubnaha laga soo dooran doono deegaanada KGS.
wararka qaar ayaa sheegaya kulankaas inuu daba socday kulan gaar ahaa OO aya wada qaateen madaxwaynaha koonfur galbeed iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal kana hadleen arimo ku aadan kursiga gudoomiyaha baarlamanka oo muran ka taagan marka loo fiiriyo awood qabsiga.