
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhexmaray degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida oo gadoodsan ay weerareen Bar-koontorool oo lacago lagu qaado oo ku taalla degmada Matabaan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban.
Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamada gadoodka sameeyay ay horay ugu barbar dagaalameen xoogaga Ahlusunna, isla markaana Dowladda ay ka jartay Mushaaraada, kuwaas oo hadda doonaya in dhaqaalaha Maamulka degmada Matabaan u soo xarooda in wax laga siiyo.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in dagaalka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dhinacyada dagaalamay, balse aysan jirin khasaaro soo gaaray dadka Shacabka ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya degmada Matabaan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.