Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabnimadii maanta gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhaweyn loogu sameeyay.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa Madaxweyne Lafta-gareen kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir iyo Masโuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.
Ujeedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka uu iclaamiyey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacaya Muqdisho, kaasi oo looga hadli doono saxida doorashada iyo dhammeytirkeeda.
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyagoo ka qeyb galaya Shirka doorashada ee uu dhawaan ku baaqay Raโiisul Wasaare Rooble.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa todobaadkii hore si cad u diiday inuu ka qeyb galo shirka Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Raโiisul Wasaaraha, isagoo xusay inuu ka qeyb galayo shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay, oo ahaa mid lagu dhabar jebinayay shirka uu horay u iclaamiyay Raโiisul Wasaaraha