Golaha wadatashiga oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha 5-ta dowlad Goboleed & Duqa Muqdisho ayaa Maanta oo Axad ah sii amba qaadi doona shirkooda, waxaana Maanta ka qeyb geli doona Xubno kamid ah Midowga musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.
Shirka oo muddo 5 Cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Madaxdu ay heshiis ku gaareen, kaas oo ay Maanta ka wada doodi doonaan Midowga musharrixiinta si loo soo saaro Warmurtiyeedka Shirka.
Golaha wadatashiga Qaran ayaa kulankoodii shalay uga dooday cabashooyinkii la xiriiray hufnaanta iyo daahfurnaan la’aanta doorashada iyo tallooyinkii ay u gudbiyeen Midowga murashaxinta, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka, iyada oo meesha laga saaray qodobkii Amniga ee la isku mari waayay.
Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa sheegay in shirka la isku afgartay, isla markaana dhawaan si rasmi ah shirka loo soo geba-gabeyn doono.
Shirka Golaha wadatashiga oo ahaa kii ugu waqtiga dheeraa oo ay yeeshaan ayaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed, waxaana xogaha la helay kamid ah in Madaxdu ku heshiiyeen in muddo 60 Cisho ah lagu dhameystiro doorashooyinka iyo Amniga dalka ay saameyn ku yeelato AMISOM.