Guddiga doorashada Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorasho ee saddex kursi ka tirsan Golaha Shacabka.
Saddexdaan Kursi ayaa doorashada waxaa la qabam doonnaa 24 Bishaan, waxaana xubnahaan ay lagu waddaa in ay kusoo baxaan xubno ku cusub golaha Shacabka.
Guddiga doorashada gobolka Waqooyi ayaa maanta bilaabi doonna diwaangalinta ergada , waxaana sidoo kale berri dhici doonta tabarida halka Isniinta ay tahay maalinka doorashada.
Guddiga ayaa iska diiday eedeyn shalay uga timid xubno uu ka mid yahay gudoomiyaha Aqalka Sare oo ku eedeeyay in ay ku xirmeyn Rooble doorashadana ay joojiyaan.