Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md Duran Axmed Faraax ayaa maanta la kulmay Danjiraha Dawladda Itoobiya ee Soomaaliya Danjire Cabdifataax Cabdullaahi Xasan.Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Gacal Gaabow, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah Axmed Macalin waxanaa kulanka looga hadlay iskaashiga Duulimaadyada iyo horumarinta Gaadiidka Cirka ee dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.Kulanka ayaa intuu socday lagu gorfeeyay in muhiimad wayn ay labada dal u leedahay in la horumariyo duulimaadyada iyo Hay’adaha ka shaqeeya.Wasiir Duraan Faarax ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad wayn u leeyahay iskaashiga labada dal, waxaana uu sheegay in mar walba ay dadaal ugu jiraan xoojinta shaqooyinka ay shacabka Soomaaliyeed u hayso Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya.
previous post
DEG DEG: Dagaal ka socda Magaalada Beledweyne
You may also like
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Dowladiisa aysan faragalin doonin khilaafka Ethiopia iyo Eritrea
October 30, 2026
Hogaamiye Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay Taliyaha Qaybta Saddexaad ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Soomaaliya.
October 30, 2026
Farmaajo oo dalbaday baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay degaanka Jameeco ee gobolka Bay
October 29, 2026
Itoobiya oo la sheegay inay heshay diyaaradaha Su-35, isla markaana sugaysa S-400: Maxay arintan ka dhigan tahay?
October 29, 2026

