Guddiga Doorashada heer dowlad Goboleed ee maamulka Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay in la fasaxay kuraastii hore loo hakiyay ee uu muranka ka taagnaa kadib markii xal laga gaaray.
Guddiga ayaa shaaciyay Jadwalka Doorashada Saddexda kursi oo musharrixiinta ku tarmayo Maanta la diiwaangelinay, halka doorasahdooda Maaalinta berito ah lagu qabanayo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana kuraasta la dooranayo ay kala yihiin.
1: Kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fahiyo Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi, waxaana kursigaan uu ahaa mid doorashadiisa ay ka dhalatay dood adag kadib amrkii ay soo baxeen in musharrax gaar ah loo xira.
2: Kusriga HOP#030 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, waxaana kursigaan dhawaan ciidamo ka gadoodsan lagu arkay meelo kamid ah Magaalada Beledweyne.
3: Kurisiga HOP#066 oo uu ku fadhiyo Cumar Cismaan Waasuge, waxaana kursigaan uu kamid ahaa kuraasta taalla Magaalada beledweyne oo ay dooda ka taagan tahay.
Maalinta berito oo Kamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada Saddexda Kursi, waxaana kuraasta taalla Beledweyne doorashadooda ka hari doono 9 kursi kaliya.