Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa la filayaa in Maanta oo Axad ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku qabtaan doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Guddiga ayaa shalay diiwaangeliyay 11 musharrax oo ku tartami doona Saddexda Kursiga, waxaana kuraasta la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.
1: Hop#038 oo uu horay ugu fadhiyay Axmed Macalin Fiqi Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug, waxaana ku tartamaya 5 musharrax oo kala ah Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad), Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe), Aadan Warsame Cilmi, Maxamed Cabdi Faarax & Saciid Daahir Shiiq Maxamed.
2: Hop#069 ayaa waxaa ku tartamaya Maanta Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odawaa oo kursigaan horay ugu fadhiyay & Maxamed Axmed Maxamed.
3: Hop#095 ayaa waxaa ku tartamaya Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac) oo kursigaan ku fadhiya & Saddex Musharrax oo kala ah Maxamuud Kudun Xiimaa, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud & Maxamed Saciid Faarax.
Maamulka Galmudug ayaa la filayaa in uu dhawaan soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Galmudug ka hor inta aan la gaarin 15-ka Bishaan oo ah markii lagu balamay in la soo geba-gabeeyo guud ahaan doorashooyinka Golaha Shacabka