Wararka naga soo gaaraya Aaga Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee muqdisho ayaa sheegaya in rasaas xoogan laga maqlayo mid kamid ah Baraha koontorol ee laga ilaaliyo Garoonka, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan AMISOM.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar kaga soo galeen Garoonka dhinaca marina gate, waxaana is rasaaseyn ay dhexmratay kooxda hubeysan ee katirsan Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Weli rasaas xoogan ayaa la maqlayaa, waxaana Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ay sheegeen inay weerar ku qaadeen Xerada Xalane ee magaalada muqdisho.
Weerarka ayaa waxaa siwyen looga dareemay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee muqdisho, halkaa soo ay ka socdaan howlo kala duwan.