Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadday saldhig ay leeyiiin ciidamada Burundi ee ka tirsan kuwa Midowga Afrika oo ku yaalla degaanka Ceel Baraf oo ilaa 65km dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Jowhar.
Bayaan uu soo saaray guddoomiyaha Midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayuu ku sheegay inuu βsi adagβ u cambaareynayo weerarkan, isaga oo intaas ku daray in aysan βweerarkan foosha xun aysan hoos u dhigi doonin goβaannada ciidamada ATMIS.β
Dowladda Soomaaliya ayaa iyana dhinacaeeda cambaareysay weerarkan, kaas oo ay ku tilmaatan inuu ahaa mid βfool xunβ iyadoo sidoo kale tacsi uga dirtay shacabka iyo dowladda Burundi waxyeellada kasoo gaartay ciidankooda.
Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale beesha caalamka ka codsaday inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika βee la dgaallanka Al-shabaab.β
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 173 ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo sidoo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen ciidamada kale oo ay ku sheegeen βmaxaabiis dagaal.β Labada sheegasho si madax-banaan looma xaqiijin karo.
Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Midowga Africa midkoona faah-faahin dheeraad ah kama bixin khasaraha weerarkan.

