Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiiro ka tirsan Puntland oo aad ugu dhawaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo magacaabay Wasiiro cusub.
Wareegto kasoo baxday saqdii dhexe ee xalay Xafiiska Madaxweyne Axmed Karaash ayaa waxaa xilalkii looga qaaday Wasiirada Arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad, Maaliyada Xasan Shire Abgaal iyo Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan.
Axmed Karaash ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland u magacaabay Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo), kaasi oo bedelaya Cabdiraxmaan dhabancad, Wasiirka Amniga ayaa loo magacaabay Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) oo isna bedelaya Cabdisamad Galan, halka C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland oo bedelaya Xasan Abgaal.
Wasiirada xilka qaadista uu ku sameeyay Axmed Karaash ayaa aad ugu dhawaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax Madaxweyne, isla markaana Magaalada Muqdisho u jooga ololaha doorashadiisa.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.
Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Puntland
Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland
MARKUU ARKAY: – Dastuurka Puntland Qodobkiisa 81-aad.
MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.
WUXUU XEERIYEY:
MAGACAABID
1-Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland
2-Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland
3-Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay.