
Guddiga isku dhafka ah ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii Guddigaas shalay si rasmi ah loo soo magacaabay.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana kulanka looga hadlay shaqada hortaalla Guddiga ee ah dardar-gelinta qabsoomida doorashada Madaxweynaha dalka.
Guddigaan oo ka kooban 17-xubnood ayaa iska dhex dooran doona Guddoomiye iyo Xogheyn, waxaana laga soo sugayaa inay soo saaraan Jadwalka doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Guddigaan ka dalbaday inay si dhaqsi ah u soo saaraan Jadwalka doorashada Madaxweynaha, maadaama doorashada dalka ay dib u dhacday 2 sanno ka badan.
Kulanka uu Maanta yeeshay Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha dalka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo labada Xoghaye ee Baarlamaanka dowladda Federaalka.
Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isla markaana waxaa Caasimadda ka socda olole doorasho oo xoog leh, ayna wadaan Musharaxiinta Madaxweynaha…
