Guddiga isku dhafka ah ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa waqtiyeeyey in doorashada Madaxweynaha dalka la qabto 15-ka bishan May.
Doorashadan ayaa waxaa u taagan in ka badan 20 musharax, oo ay ku jiraan, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaal hore iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaan weli si rasmi ah u shaacin inuu yahay Musharax madaxweyne, inkasta oo aad loo rumeysan yahay inuu mar kale tartami doono kadib in ka badan 5 sano oo uu joogay xafiiska Villa Somalia.
Haddii guddiga uu dhaqan-geliyo jadwalkan, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.
Dhinaca kale, Senator Cabdiqani Geele Maxamed ayaa ku guulaystay xilka Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddigaas oo loo Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed.