Daahir Maxamuud Geelle oo shaaciyay in uu ka haray tartanka Madaxweynaha written by Warsan Radio 14/05/2022 Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu iska haray tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya.War rasmi ah oo uu soo saaray Daahir ayuu sheegay in uu sii wadi doono sixitaanka nidaamka dowliga ah.SHAACIN KA HARITAANKA TARTANKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA 10-AAD EE JFS.Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha olohayga murashaxnimo.Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay. Daahir Maxamuud Geelle oo shaaciyay in uu ka haray tartanka Madaxweynaha was last modified: May 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Xildhibaanada golaha Shacabka next post Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan You may also like Xeer Ilaaliyaha Maraykanka oo magcaabay qareen baaris ku sameeya Joe Biden 13/01/2023 Madaxwaynaha Turkiga oo shaaciyay in dalkiisa laga helay gaas dabiici ah 21/08/2020 Roobka Gu’a Oo Ka Curtay Deegaano Badan Oo Kamid Ah Gobolada Dalka 25/03/2022 RW Rooble oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan beesha caalamka 18/07/2021 Madaxweyne Joe Biden Oo Farriin Deg-Deg U Diray Muwaadiniinta Maraykanka Ee Ukraine 11/02/2022 Dhageyso;- Barnaamijka Bandhiga ee Idaacada Warsan 13/06/2022 Donald Trump oo shaaciyay inuu u diyaar u yahay xil wareejin 09/01/2021 SAWIRRO: kulan ku saabsan Faafinta iyo Wacyigelinta Xeerka Biyaha KG oo ka dhacey Baydhabo. 23/06/2022 Dhageyso:-wareysi aanu layeelanay racidka ku dhaqan Qansax Dheere Yaasin ayaa xalada ka deeriyey, 12/03/2017 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 21/06/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.