Toos: Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Afisiyooni written by Warsan Radio 15/05/2022 Codeynta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka billaabatay Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo ay u tartamayaan in ka badan 30 musharax.Waxaa musharaxiinta ka mid ah madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahe Farmaajo iyo madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa furay doorashada, isaga oo sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa u gudbaya afarta musharax ee ugu codadka badan. Haddii musharaxa afaraad iyo shanaad ay isku cod noqdaan, waxay labaduba u gudbayaan wareegga labaad.Musharaxa hela laba meelood saddex meel codadka wareegga labaad ayaa ku guuleysanaya tartanka doorashada madaxweynaha. Haddii aanay sidaas dhicin, waxaa wareegga ugu dambeeya u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.Ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, ayaa sugaya amniga goobta ay doorashadu ka dhaceyso, waxaana caawinaya ciidamada booliska Soomaaliya.Codeyntan oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed ayay qasab ahayd in la qabto bishan si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya. Toos: Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Afisiyooni was last modified: May 15th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Magaalo katirsan Mareykanka next post Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo u soo gudbiyay wareegga ugu dambeeya You may also like Koongareeska Mareykanka oo laalay codkii qayaxnaa ee madaxweyne Trump 02/01/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 10/06/2021 Akhriso:-Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Samaystay Guddi Dhaqaale Oo Isku-dhaf Ah 26/06/2019 DFS oo Bangiga Adduunka & IMF kala hadashay bilaabida lacagihii laga joojiyay 28/05/2022 Facebook, Instagram, WhatsApp oo hawada ka wada maqan 04/10/2021 DHAGEEYSO;-Warka Duhur ee Radio Warsan 16/03/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 25/07/2020 Donald Trump oo ka hadlay wiilkii Somaliga ee weeraray Jaamacadda Ohio 30/11/2016 Maxkamadda ICJ oo Maanta Go’aan kasoo saareysa Dagaalka Israa’iil ee GAZA 26/01/2024 Kooxda Taliban oo dalka Afgaanistaan ka mamnuucday dowladda Sweden 12/07/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.