Baydhowy-{WMN}-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ย Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka China Amb. Fei Shengchao.
Danjiraha oo dhambaal salaan ah soo gaarsiiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS, kaas oo uga siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka China mudane Li zhanshu.
Safiirka ayaa xusay in dowladda China ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho oo ay siiso Soomaaliya, sidoo kale waxay ballan qaadeen in Baarlamaanka ay kala shaqeyn doonaan horumarinta adeegyadda muhiimka ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey doorka horumarineed ee dowladda China ay ka wado dalkeenna uu yahay mid lama ilaawaan ah, waxaana uu ku dhiira-geliyey in dedaalkaasi uu noqdo mid mira dhal ah oo mataaneeya labada dowladood.
Dowladda Shiinaha ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ay hesiisyo la saxiixatay dowladda Soomaaliya, kaas oo lagu hormarinayo Soomaaliya.