Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay maanta waxaa soo gaaray Wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud .
Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya iyo Saraakiil ka socta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya
wafdigan Waxaa Garoonka Diyaarada ee Magaalada Baydhabo ku Soo Dhaweeyey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdifatax Mahad Cabdiraxmaan iyo xildhibaano Masuuliyiin Kale .
Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sidoo kale la filiyaa in uu maalinta beri ah uu gaaro magaalaada baydhabo, iyadoo wafdigaan ay safar hordhac ah u yihiin kan Madaxweynaha.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana laga dareemayaa u diyaar garowga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.