Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay written by Warsan Radio 24/06/2022 Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa waraaqaha aqoonsiga ergeynimo ka gudoomay Ergeyga cusub Dowladda Soomaaliya u fadhin doona ergada joogtada Soomaaliya u qaabilsan Ururka (OIC) Dr ibraahim Aadan Muuse.Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka waraaqaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Ururka ee magaalada jiddah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka dunida islaamka.Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka Sare ee Ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr ibraahim Aadan Muuse.Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacaawday Ururka OIC Dr ibraahim Aadan Muuse ayaa dhankiisa u mahad celiyay Xoghayaha guud ee Ururka (OIC) sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay ururka, isaga oo ballan qaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka wanagsan oo ay Soomaaliya la leedahay Ururka.Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa waxaa ku Midoobay ilaa 57 dal oo ah wadamada Islaamka, waxaana la Aas’aasay Sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaaliya laheyd fikradii lagu sameeyay Ururkaas. Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah next post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 27/11/2022 Dawladda Itoobiya oo jawaab kulul siisey Soomaaliya. 28/06/2024 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 14/11/2020 Dhageyso+Sawiro:-Barnaamij looga hadlaayo Dhimirka. 24/10/2020 Midowga Yurub oo cunaqabateyn ugu hanjabay Dowladda Lubnaan 20/06/2021 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo oo Dhuusamareeb Soo Gaaray 01/01/2020 Sawiro: Xisbiga Tii Xafiiskiisa Baydhabo Oo Bacooyin Uqeybiyay Dadkii Sameyey Roobabkii Kada’een Magalada Baydhabo 28/11/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 12/12/2018 Rag hubeysan oo weeraray musharrax Xildhibaan & khasaaro ka dhashay 01/02/2022 Ninkii dilay Taliyaha Booliska Guriceel Walaalkiis oo dil Toogasho ah lagu Xukumay 16/11/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.