Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan written by Warsan Radio 25/06/2022 Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.Ururka Taliban ayaa sheegay in sii deynta Asadullah Haroon, inay ka dhalatay “xidhiidh toos ah” oo ay arrintan ka yeesheen Maraykanka iyo ururka Taliban.Maxbuuskan la sii daayey oo haatan ay da’diisu tahay 29 jir ayaa lagu wareejiyey saraakiisha Taliban ee ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, halkaas oo ururka Taliban ay ku leeyihiin xafiis diblomaasiyadeed.Muhammad Rahim oo ah maxbuuska u dhashay Afghanistan ee xabsigaas ku hadhay ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh aad u dhow la lahaa hoggaamiyihii ururka al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in sii deynta Haroon ay daba socotay go’aan ka soo baxay maxkamadda Mareykanka oo ahaa in Pentagon-ka uusan hadda lahayn awood sharci ah oo ay ku sii hayn karto. Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan was last modified: June 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha xubinta weydiimaha su’aalaha 26/01/2022 Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacada Warsan 28/09/2022 Soomaaliya iyo Kenya oo isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dal 16/06/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha 21/12/2020 Akhriso:-Mas,uul ka tirsan Xisbiga UPD oo laga hor istaagay shir uu ku qaban rabay manta magaalada Baydhabo. 13/01/2019 Madaxweyne Xasan Sheekh” Macalimiinta Soomaaliyeed waxay ku Shaqeeyaan duruufo adag” 21/11/2022 Dowladda oo Furtay Barnaamijka Baxnaano 18/04/2020 Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisciid Muuse Oo Kormeeray Terminal-Ka Movcon 28/12/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 04/11/2020 Dhageyso:-Warka Caawa ee Radio Warsan 11/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.