Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay Abaarta written by Warsan Radio 26/06/2022 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore mahad ballaaran ujeediyay Alle subxaanahu wa tacaalaa oo suurtageliyey in aan si nabad ah loo xuso Todobaadka Xoriyadda dalka oo xalay si rasmi ahu bilowday, inkastoo uu ka cudur daartay ka qeyb-gal la’aantamunaasabadda 26ka Juun, maadaama uu u hoggaansamayo talooyinka bahdacaafimaadka ee la xiriira COVID-19.Xuska sannad guurada 62-aad ee maalinta xoriyadda 26ka Juun, waa fursad aynuku sixi karno wixii naga qaldamay muddadaas, sidoo kale aan ku xoojin karno dhaqamada wanaagsan ee ay ka siman yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan is-caawinta, isu qalbi furnaanta iyo adkeynta midnimadooda ayuu yiri Madaxweynaha.Munaasabadda Todobaadka Xorriyadda awgeed, waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in aan wadajir ugu istaagno dadkeenna la tacaalaya duruufaha nololeed ee adag ee ka dhashay abaaraha ku habsadaydalkeenna, taasina ay tahay dabbaal degga ugu wanaagsan ee aynu u muujin karno Todobaadka Xorriyadda.Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeeday si weyn u garoowsan yihiin dhibaatooyinka ay leedahay colaadda iyo khilaafaadka sokeeye ee dib u dhigay dowladnimada dalka.” Maanta waxaan haysannaa fursad taariikhi ah oo shacabkeennu ay ku heshiiyaan, ku mideeyaan cagligooda, cilmigooda, cududdooda iyo jacaylka walaalnimo ee ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed, taas oo aan weligeed duugoobayn, waana jidka kaliya ee aynu kaga bixi karno amni xumada, saboolnimada, abaaraha iyo shaqo la’aanta curyaamisay dhallinyaradeenna ayuu kusoo geba-gabeeyay qoraal uu soo saaray Madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay Abaarta was last modified: June 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Ra’iisul Wasaare Xamse’ Waa in laga garaabo Goonni isku taaga Somaliland” You may also like Maamulka Hir-Shabeelle oo War kasoo saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab 20/09/2022 Dhageyso:-Qeybta 6 aad Barnaamij looga hadlaayo Barashada Nafaqada Wanaagsan iyo Badqabka Cunada 22/01/2021 Press release on Somalia Measles vaccination campaign 13/03/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 31/08/2021 Siihayaha wasiirka waxbarashada oo dhagax dhigay Dugsiga waxbarashada beeraha Balcad (Sawiro) 01/09/2020 Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay dib u dhac ku yimaada doorashada Somalia 26/05/2020 Wasiirada Maaliyaddav DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Go’aano soo saaray 14/08/2023 FAAH FAAHIN DUQEYN: ALSHABAAB OO LAKULANTEY MID KAMID QASAARIHII UGU BADNAA… 21/10/2019 Akhriso:-Saraakiil Turki ah oo sheegeen in ay meydkii Wariyaha, ka baarayaan keyn ku taal halka loo yaqaan Belgrad. 19/10/2018 Akhriso:-Dagal iyo duqeyn ka dhacday G/Shabeellaha Hoose 12/03/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.