laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay maandooriye & Dhalinyaro ku eedeeysan Amni darro written by Warsan Radio 29/06/2022 Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta Waliyow-cadde ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Hodan, halkaas oo ay kusoo kordheen kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysanaya.Ciidamada ayaa howlgalka ku baarayay Guryaha qaar iyo Goobaha Ganacsiga, iyaga oo kusoo qabtay waxyaabaha maanka dooriya, sida Xashiis iuo calaq oo aad u farabadan iyo Dhalinyaro lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin falalka Amni darro ee ka dhaca degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle iyo taliyaha qeybta Waliyow-cadde oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha maanka dooriya oo ay howlgalka kusoo qabteyn ay qeyb ka ahaayeen Amni darrada kajirta Magaalada Muqdisho.Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga Caasimadda, iyaga oo digniin u diray dadka isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan. laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay maandooriye & Dhalinyaro ku eedeeysan Amni darro was last modified: June 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Kooxda Xamaas oo soo bandhigay muuqaalka Askari Israa’iil ah oo ay qabteen next post Madaxtooyadda oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh ka caafimaaday COVID-19 You may also like Deeq Raashiin ah oo la gaarsiiyay dadkii ka barakacay Colaada Laascaanood 27/08/2023 Dadaallo xabbad-joojin loogu raadinayo Dagaalka Gaza oo sii xoogeystay 01/02/2024 Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmdug & ku xigeenkiisa 07/09/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 06/10/2020 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Wrasan 11/07/2022 Daawo Muqaalka Waxaa maanta Aas qaran Loogu sameeyay Magaalada Baydhabo Wasiirka Arimaha Gudaha Maamul Goboleedka KGS Madoobe Nuunoow Maxamed. 29/10/2017 Tallaalka Cudurka Covid 19 oo la geeyay dalka Jabuuti 07/03/2021 Sawiro:- Dowladda Federalka Soomaaliya oo soo bandhigtay lacagta cusub 09/06/2018 Booliiska dalka Kenya oo dacwad lagu soo oogay 30/10/2022 Wasiir Sadiiq Warfaa: Waa Kula Xisaabtameynaa Shaqaalaha Dowladda Barnaamijka Isxilqaan (Sawirro) 13/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.