Weerar duqeyn ah oo Sagaal qof lagu dilay written by Warsan Radio 21/07/2022 Sagaal qof oo rayid ah oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa ku dhintay, 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar Turkiga ku qaaday gobolka Dohuk ee waqooyiga Ciraaq, sida ay saraakiishu sheegeen.Telefiishanka Ciraaq ayaa sheegay in “duqeymo culus” lagu garaacay goob loo dalxiis tago oo ku taal magaalada Zakho, oo dhacda xadka gobolka Kurdistan ee Ciraaq iyo Turkiga.Wakaalada wararka ee dalkaasi ayaa sheegtay in dhamaan dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal. Saraakiisha Ciraaq ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu ka dambeeyay weerarka, balse Ankara ayaa beenisay inay mas’uul ka tahay dhacdada.Madaxa gobolka Zakho, Mushir Bashir, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin “dalxiisayaal ka yimid Carabta Ciraaq, oo u badan kuwo ka yimid bartamaha iyo koonfurta dalka”,.Turkiga ayaa maanta labo jeer duqeeyay tuulada sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.Bashiir ayaa intaa ku daray in dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal u yimid tuulada buuraleyda ah ee Barkh ee gobolka Zakho si ay uga badbaadaan heerkulka sare ee ka jira koonfurta dalka.Caamir Cali oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee magaalada Zakho ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay kala ahaayeen labo caruur ah oo saddex rag ah iyo saddex dumar ah. Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid lagu weeraray madax banaanida Ciraaq.Waxayna Golaha Wasiirada Amniga Qaranka, oo uu madax ka yahay Al-Kazemi, ay go’aansadeen in ay amar ku siiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay u yeerto safiirka Turkiga ee Ciraaq oo ay u sheegto sida ay Baqdaad u cambaareynayso dhacdada. Weerar duqeyn ah oo Sagaal qof lagu dilay was last modified: July 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Al-Shabaab oo weerar ka geystay dhulka dowlad degaanka Soomaalida You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 27/09/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/11/2020 Maxay kawada hadlen Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliiska iyo Safiirka Sweden 01/10/2024 Cilmi baaris lagu sameeyay saameynta dhaqaale uu COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha oo la soo bandhigay “SAWIRRO” 26/09/2021 Daawo Muqaalka Ku Simaha Mweynaha dowlada KGS, Ahna Wasiirka Beeraha iyo Abaaraha Maxamed Xasan Fiqi oo Ay Wehelinayaan 16/12/2016 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha Qeybta 10 aad 23/11/2020 Faahfaahin ka soo baxaysa duqeyn ka dhacday deegaanka Saaxa Weyn 09/01/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 01/12/2020 Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Bogaadiyey Howlwadeennada Gargaarka Caafimaad Ee La Tacaalaya COVID-19 07/04/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 30/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.