Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya written by Warsan Radio 07/08/2022 Dowladda Shiinaha ayaa uga mahad celisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taageerada iyo garab istaaga ay u muujisay taas oo ku aadan in Soomaaliya ay Taiwan u aqoonsatay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo soo jireen ah qarniyo ka hor.“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku caddeysay mowqifkeeda adag ee ah in ay ixtiraameyso siyaasadda iyo Madax bannaanida Shiinaha, iyada oo u aragta in Taiwan uu yahay qayb aan ka maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha.Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaa aad isugu khilaafsan Arrimaha Taiwan, iyada oo ay jiraan dalal kale oo taageeray Shiinaha, waxaana xusid mudan in Taiwan ay horay aqoonsi & taageero u siisay Somaliland oo isku aqoonsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday You may also like Wafdi ka socda TPLF oo kusii jeedda gobolka Tigreega 24/12/2022 Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ‘nolosha’ lagu qabtay 19/04/2020 DHAGEYSO: CASHARKII 27AAD EE TAFSIIRKA QUR’AANKA KARIIMKA EE SH. XASAN GAAB 11/01/2018 DAAWO: Sida ay u dhacday Magacaabida R/wasaaraha Cusub iyo Sababta uu Madaxweyne Farmaajo ku doortay video 23/02/2017 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 16/12/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 08/04/2021 Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gaartay shirkadda dekadda Muqdisho maamusha 20/08/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/07/2020 Xulka Talyaaniga oo ku guuleystay koobka EURO 2020 12/07/2021 Wasiirka Waxbarashada oo la kulmay madaxda Jaamacadaha dalka “SAWIRRO” 04/05/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.