Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like Akhriso:-mari waaga ka taagan Mooshinka Jawaari oo sii xoogeystay iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo … 29/03/2018 Maxkamad ku taala dalka Liberia oo xukun ku riday wasiirkii hore ee gaashaandhigga 29/01/2022 Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka hor-yimid Ruqsad-siinta Shirkadaha Isgaarsiinta 06/06/2020 Waado Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed Soomali oo digniin u jeediyey Siyaasiyinta Koonfur Galbeed mucaarada iyo Bahda Wararka faafisa. 11/10/2017 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 10/06/2021 Dhageyso: Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta Warsan 09/05/2023 Akhriso:-Nuur Iidow Beyle oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali Madaxweyne 28/01/2018 AQRISO MAGACYADA MALAAQYADA KOONFUR GALBEED EE KU DHINTEY IYO KUWO DHAAWACMEY WEERARKII HOTEL DAYAX EE MUQDISHO 25/01/2017 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 21/07/2020 Fagaaraha Midnimada Qaranka (ex Baarlamaan) oo maanta xariga laga jaray (Daawo Sawirada) 08/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.