Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like Dhageyso:-Dood ku saabsan arimaha cadaalada gaar ahaan sidee muhiim ugu tahay nolosha bani’aadanka 09/08/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/05/2021 Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2023 20/11/2022 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxda dalalka IGAD uga mahadceliyay laba Arrin 10/12/2023 Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose oo Eedeyn kulul u jeediyay Al-Shabaab 23/07/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 01/06/2023 Beesha caalamka oo war ka soo saartay doorashadii Hirshabeelle iyo Geedi Socdka doorashada guud ee Soomaaliya 19/11/2020 Dhageyso:-Dood ku saabsan Cadaalada gaar ahaan haweenka iyo xaquuqdooda. 21/09/2020 Video:-Abwaan Xuseen Nuur Maxamed oo laayaqano Jaamis ayaa waxa uu wareysi uu Siiyey warbaxinta KGS Xafiskeedi Magalada Baydhabo 20/02/2017 Israa’iil oo ku gacan-sayrtay go’aan ka soo baxay Maraykanka 10/05/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.