Baydhabo-{WMN }-Tababarkaan ayaa ahaa mid lagu baranayey Dowlad wanaagga iyo dhoowrista deegaanka iyadoo la wadaagayo mas’uuliyadda maamulka dhammaan dabeecadaha isbadalka Cimilada iyo badqabka deegaanka.
Tababarkaan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Bii’ada iyo Duirjoogya DGKGS, oo gacan ka haleeyso hay’adaha iskaashiga la leh wasaaradda sida SIDA iyo UNDP oo fulinta tababarkan fududeeyey waxaana ka faa’ideeysanaya 15 qof oo isugu jira howlwadeenada wasaaradda iyo kuwa kale oo laga soo xulay wasaaradaha kale iyo bulshada rayidka
Agaasimaha wasaaradda, Ismaaciil Sheekh Musdhaf ayaa furitaankii tababarka ujeedkiisa u faahfaahiyey ka soo qeeyb galayaasha.
Wasiirka Wasaaradda Bio’ada iyo Duur-joogta DGKG, mudane Isaaq Cali Cumar oo tababarka furay ayaa ka soo jeediyey munaasabadda hadalo u badbnaa dardaaran daarannaa muhiimadda uu u leeyahay tababarkan iyo sida la doonayo in looga faa’ideesto isla markaana loo gaarsiiyo Bulshada.
Waa wajigii labaad ee tababarkan noocan oo kale oo lagu qabto dalka, iyadoo kan kii ka horeeyey horay uu ugu qabsoomay magaalada Muqdisho.