Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kuwajahan dalka Masar written by Warsan Radio 24/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta galaya safarkii 7aad ee dalka dibaddiisa ah tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan 2022, isaga oo kuwajahan dalka Masar.Madaxweynaha ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Tanzania uga qeyb galay shirka Ururka dallada Bariga Afrika ee (EAC) , isaga oo gudbiyay codsi la xiriira in Soomaaliya ay kamid noqoto dalalka ku bahoobay Ururka EAC.Madaxweynaha oo martikaad ka helay dowladda Masar markii la doortay ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha dalka Masar Cabdul Fitaax Siisii iyo mas’uuliyiinta kale dalkaas, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar.Dowladda Masar oo kamid ah dalalka Carbeed ayaa xiriirkooda xumaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo sanadihii ugu dambeeyay aysan dhexmarin wax wadashaqeyn ah.Sidoo kale dowladda Masar ayaa xilligaan wuxuu khilaaf xoogan oo la xiriira Wabiga Nile uu kala dhaxeeya dowladda Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya, isla markaana Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca howlgalka ATMIS ay ka joogaan Soomaaliya.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa aaad u bataya safarada uu ku tegayo dalka dibaddiisa, isaga oo horay u sheegay in uu doonayo hagaajinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka, kuwaas oo qaarkood la xumaayay 5-tii sano ee la soo dhaafay. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kuwajahan dalka Masar was last modified: July 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post laamaha Amniga dowlad degaanka oo sheegay inay soo afjareen weerarkii Al-Shabaab next post Ciidamada Puntland oo howlgal gaar ah fuliyay You may also like Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Baydhabo 07/09/2019 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 08/06/2022 Wafdi ka socday Dowladda Federaalka & Q/Midoobay oo tagay Baardheere 10/12/2023 Magaalada Xudur oo maanta laga dukaday Salaad roob doon ah. 17/05/2021 Madaxweyne lafta gareen oo Magacaabis sameeyay (Akhriso) 07/06/2020 Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Heshiiskii Ay Gaareen Xukuumadda Iyo Musharixiinta 26/02/2021 Madasha Xisbiyada Qaran oo Dalbatay Inay Is-Casilaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka 28/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka warsan 13/10/2018 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 11/04/2021 Akhriso:-Golaha Wasiirada oo ansixiyay Siyaasadda Kormeerka iyo Qiimaynta 12/07/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.