Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? written by Warsan Radio 18/08/2022 Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan nin Habeen ka or degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho ku dilay Gabar kamid aheyd Ardayda sanadkaan ku baasay imtixaankii ay qaaday dowladda, taas oo lagu magacaabi jiray Hibo Qaasim Maxamed.Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in jeylaani uu Gabadha dilkeeda u adeegsaday tooreey, isaga oo ka qaadanayay Mobile ay wadatay, isla markaana dhaawac uu u geystay ay ugu geeriyootay Isbitaal la geeyay.Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey wuxuu sheegay in ninkaasi baartan kale oo dheeraad ah lagu sameyn doono, isla markaana ay u gudbinayaan Hay’adaha garsoorka dalka si sharciga lo horgeeyo.Shacabka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta Hibo Qaasim ayaa aad uga naxay dilka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada muqdisho loogu geystay Gabadha oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay dugsiga Sare kana qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Soomaaliya. Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? was last modified: August 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay You may also like Rooble oo Maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada 21/06/2022 Dhageyso+Akhriso:-Waa wajicusubooaanlagubaranwaafikiruurabo in uukusoojiitoqalbiyo kala araktiduwankuwaasoomidbamid kale ka maskaxbedelan 14/04/2018 21-ka Febraayo Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo (Warbixin) 21/02/2021 Ra’iisul wasaaraha Lubnaan oo is casilay 10/08/2020 Midowga Mushraaxiinta oo u digey Golaha Shacabka baaqna u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha 01/05/2021 Dhageyso Warka Habeen ee Warsan Radio 01-12-2016 01/12/2016 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 02/01/2022 DHAGEEYSO:-WRKA HABEEN EE IDACADA WARSAN 31/12/2016 NISA oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka fulisay Gedo 23/07/2022 DFS oo maanta lagu wado in ay gurmad geyso Afgooye 21/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.