Dowladda Soomaaliya oo QM & Dowladda UK kala hadashay gurmadka Abaaraha written by Warsan Radio 19/08/2022 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, Safiiradda Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster OBE, oo booqasho sharafeed ugu timid.Safiiradda Britain ayaa ugu hambalyaysay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda xilka loo magacaabay, iyada oo u rajaysay inuu ku guulaysto howlaha loo igmaday, waxa ayna ku nuux-nuuxsatay kaalinta UK ee ah saaxiib, isbahaysi, garab iyo taageere ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la iskula eegay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo dhinac waliba oo ay ku jirto dano wadaagga.Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa la kulmay Kuxigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Sarkaalka mas’uulka ka ah howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho, waxa uu kala hadlay barnaamijyada Qaramada Midoobey ee horumarinta , dowlad dhiska iyo dadaallada bani’aadannimada.Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta gurmadka aadannimo ee la gaarsiinayo dadka tabaalaysan, sidoo kale waxaa la isla fallanqeeyay horumarka xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni.Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad ugu dadaalayso sidii gargaarka ay u gaarsiin lahayd dadka u baahan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen, isagoo ku baaqay in la dardargeliyo kaalmooyinka bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo barnaamijyada horumarinta ee lagu taageerayo ujeeddooyinka mudnaanta koowaad u leh dowladda. Dowladda Soomaaliya oo QM & Dowladda UK kala hadashay gurmadka Abaaraha was last modified: August 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post laamaha Amniga Galmudug oo gacanta ku dhigay qaraxyo & dadkii waday You may also like Ciidamada Itoobiya Oo La Wareegay Caasimadda Gobolka Tigree-Ga 29/11/2020 Dowlada Federalka oo u oggolaatay ardayda Puntland in shahaadada Dugsiyada Sare 14/12/2020 Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Galgaduud oo Amaro dul dhigay shacabka degmada Galcad 05/08/2023 Madaxweyne farmaajo oo heshiis la gaaray madaxweynaha Eritrea 05/10/2020 Akhriso:-Maxkamada magaalada Qaahira oo xukun ku ridey 700 oo ruux 08/09/2018 SAAXIIBADA BEESHA CAALAMKA OO SOO DHOWEEYAY WADAHADALLADA KU SAABSAN DEYN KA CAFINTA SOOMAALIYA 21/09/2019 DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 7AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO 08/11/2017 Akhriso:-Ciidammada Juba oo dib ugu laabtay deegaanka Buulo-Guduud 03/09/2017 Cabdiraxmaan Cabdishakuur ” Xildhibaannadii carqaladeeyay hadal jeedintii madaxweynaha furitaankii kalfadhigii Baarlamanka, ma aheyn wax khalad ah” 08/06/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.