
Maamulka iyo Saraakiisha Deeganka Janaale Ayaa manta daah furey olele Nadaafadeed oo Isxilqaan ah, kaas Oo Ay ka qeyb qaateen Saraakiisha Amaanka Deegaankaasi Qeybaha kala duwan ee Bulshada Deegaanka Janaale Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Deegaanka Janaale Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdi Raxmaan Al Cadaala Ayaa ku dhawaaqay in uu furanyahay tartan nadaafadeed ee Waaxyaha ay ka koobantahay deegaanka Janaale Muhiimada Ugu weyn Ayuu Ku Sheegay Gudoomiyaha in Ay tahay Ilaalinta Nadaafada Iyo soo Celinta Bilcada Guud Ee Deegaanka.