Baydhowy-{WMN}-Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi, isla markaana ay qeyb ka yihiin, wasiirka qorsheynta XFS Cabdiraxmaan Beenebeene, wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS, xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kald waxaa qeeyb ka ahaa wafdiga Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure karoore iyo masuuliyeen kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle. Waxaana garoonka diyaaradaha Buulo burde kusoo dhaweeyey maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwa Amisom.