
Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Gobolka, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka, Guddoomiyaasha Degmooyinka, iyo Agaasimayaal,Shirkan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta Amniga, kor u qaadista Daqliga, Nadaafada iyo Horumarinta isdhaxgalka Bulshada,
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shirka ka sheegay in guddoomiye kaste iyo Agaasime kaste lagula xisaabtami doono mas’uuliyadda uu shacabka u hayo.