RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga dalka written by Warsan Radio 04/01/2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.Dowladdu waxaa ay sheegtay in Hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab lagu dilay in ka badan 2000 oo Al-Shabaa ah afartii bilood ee u dambeysay.Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga saaro Al-Shabaab si Bulshads ay ugu noolaadaan Amni.Waxaa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya. RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga dalka was last modified: January 4th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Qaar kamid ah dhaawacyada qaraxyadii degmada Maxaas oo la keenay Muqdisho next post Xubno katirsan Guddiga loo xilsaaray dhibaatada ka taagan laas-Caanood oo is casilay You may also like Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan wadatashi ah la yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Kenya (Sawirro) 30/11/2020 Axmed Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya 19/06/2020 FAAHFAAHINTA KHASARAHA QARAX KA DHACAY MUQDISHO Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa 28/05/2020 Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay taalada Daljirka dahsoon (Daawo Sawirro) 26/06/2020 Dhageyso: Warka Galab ee Idaacada Warsan 23/12/2021 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Shiinaha Uga Qayb Galay Daah-furka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Iyo Dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika 27/06/2019 Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka dhoofay Muqdisho + ujeedka 23/02/2023 Dhageyso:-Ciidamo iyo dad shacab oo duleedka Wanleweyn lagu laayey, 09/11/2017 Shirka Somtel oo hadiyado kala duwan bulshada Baydhabo 24/12/2021 DF oo wax ka beddeshay saacadaha BANDOWGA, soona rogtay amarro cusub 22/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.