Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa sheegay in ardayda wax ka barata Magaalada Beledwayne ee Xarunta Gobolka ee Hiiraan ee Hirshabeelle dib loogu dhigay imtixaanaadka dowladda.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in sababta dib loogu dhigay Imtixaanka shahaadiga ah sanad dugsiyeedkaan ee ardayda wax ka barata Beledwayne ay tahay mid la xiriirta barakaca iyo dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha Wabiga Shabeelle.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa in magaalada Baladweyne ay ka jirto xaalad bani aadamnimo oo aan saamexeynin in laga qabto imtixaanka shahaadiga ah ka dib markii ay fatahaada webiga ka qaxeen kumanaan qoys.
“Ardayda Baladweyne waxaa loo diyaarin doonaa imitixaan gaar ah oo ay geli doonaan marka ugu horeysa ee suuragal noqoto, wasaaradaha waxbarashada heer federaal iyo dowlad goboleed ayaana arrintaas ka wada shaqeyn doona” ayuu yiri Xamse Barre
Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu shaacinayay natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay, taasi oo soo gabagabeysay Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.
Si kastaba, 27-ka bishan May ayaa lagu wadaa inuu qeybo ka mid ah dalka ka bilowdo Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare sida ay horey u shaacisay Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya.