
WMN-Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay Howlagallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidanka
Xoogga iyo dadka deegaanka gobolka Hiiraan ka wadern deegaano ku teedsan xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 48 saacadood la soo dhaafay howlgalka lagu dilay tobanaan ka tirsan AS.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada iyo dadka deegaanka in ay gacanta ku dhigeen hub ay wateen AS.
“Waxaa mar kale la xaqiijiyay in iskaashi ka dhaxeeya dowladda, shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah uu yahay furaha guusha dagaalka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.
Maalmihii la soo dhaafay ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wada xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
