{WARSANRADIO} Ciisa Qaraaqic oo ah madaxa hay;’adda arimaha maxaabiista Falastiin ayaa sheegay in Israa’iil ay bilawgii sanadkan ilaa hadda ay xoog ku qafaasheen 800 carruur Falastiiniyiin ah
Carruurtan ayaa la sheegay in ciidamada Israa’iil ay siyaabo kala duwan u qafaasheen iyagoo qaarkooda loo geystay tacadi oo lagu furay rasaas nool iyo waliba xad-gudubyo kale oo ka baxsan bani’adanimada.
Bayaan uu soo saaray madaxa hay’adda arrimaha maxabista Falastiin Ciisa Qaraaqic, ayuu ku sheegay in caruurtaasi qaar ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah oo loo geystay markii la qafaalanayay,wuxuuna cadeeyay in xadgudubyada ay ciidamada Israa’iil kula kacaan dadyowga reer Falastiin ay tahay mid cad ,iyadoo carruurta Falastiin ay si joogta ula kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo uga imanaya dhanka ciidamada Israa’iil.
Wuxuuna ku baaqay in mujtamaca dowliga iyo ururada kale ee u dooda xuquul insaanka ay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatoyinka Israa’iil ay kula kacayso dadka reer Falastiin,talaabadasi oo ka dhan ah qanuunka caalamiga ah.
Madaxa hay’adda arrimaha maxabista Falastiin Ciisa Qaraaqic, wuxuu kaloo cadeeyay in makmadadaha Israa’iil ay ku ganaaxaan carruurta Falastiin %100 lacag aad u tira badan oo aan awoodin in ay iska bixiyaan islamarkaana lagu xukumo xabsiyo dhaadheer oo aan xamili Karin caruurta aan qaan gaarka aheyn.