Xaflad lagu maamusayo Xuska 8 Maarso oo Baardheere lagu
qabtay
Munaasabada 8,Maarso oo ah maalinta caalamiga ee Haweenka Aduunka ayaa
maanta lagu kala Qabtey Xafiiska Ururka Horomarinta Haweenka Waamo ee
Degmada Baardheere iyo Xarunta Bulshada ee Baardheere waxaana ka qeyb
galay Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan Mas,uuliyiinta Maamulka degmada
Baardheere,Haween faro badan oo ka kala yimid Xaafadaha ay ka kooban
tahay degmada Baardheere .
Goobta munaasabada 8,da maarso ay ka dhaceysay ayaa dhamaan dadkii kala
duwanaa ee ka soo qeyb galay xuska maalintan waxay dareen ahaan ay aad ugu
faraxsanaayeen maalintan haween weynaha Aduunka ,waxaana ay ku labisnaayeen
dharka hidaha iyo dhaqanka, iyagoona soo bandhigey Cuntooyinka hidaha iyo
dhaqanka.
Fartuun Cabdulaahi Aden oo ah Gudoomiyaha Ururka Horomarinta Haweenka
degmada Baardheere ee Waamo oo ka hadashey munaasabada ayaa waxay ku
dheeraatay qiimaha ay maalinta haweenku dunida oo dhan ugu fadhido, iyadoo
intaasi raacisay in halkudhigga 8.March ee sanadkani uu yahay (Taageer
Haweenka Gobolka si ay nabada ugu shaqeeyaan, loona Cirib tiro waxbarasho
la,aanta iyo Saboolnimada.
Sidoo kale Qureesho Aden Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada
Baardheere ayaa sheegtay in ay ku faraxsan yihiin u dabaaldega munaasabada
8,da Maarso,iyadoo sheegtayna Haweenka had iyo jeer in ay laf dhabar u
ahaayeen nolosha deegaanka.
Mas,uuliyiintii kale ee ka hadashey Munaasabada 8maarso ayaa waxaa ka mid
ahaa Cabdulaahi Nuur Xasan Cadow oo ah Gudoomiyaha Baardheere iyo Xuseen
Cabdulaahi Xalane waxayna dhamaantood ay ku dheeraadeen taariikhda ay soo
mareen haaweenka soomaaliyeed iyo doorka ay ku leeyihiin Bulshada dhexdeeda.
Sanadka markuu ahaa 1977-dii ayay aheyd markii Qaramada Midoobay ay u
aqoonsatay 8,da bisha Maarso in ay tahay maalinta Caalamiga ah ee Haweenka
Aduunka ,waxaana sanad walba laga xusaa guud ahaan dalalka Caalamka oo ay
Soomaaliya ka mid tahay.