Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamd Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa caawa kormeer kadis ah ku tagay xarumo dhowr oo ay ka mid ahaayeen Taliska Qeybta guud ee Booliska G/banaadir, Xarunta CID, saldhigyada degmooyinka kaaraan, boondheere iyo Hodan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay “Waxaan u kuur galeynay sida ay u socdaan shaqooyinka Caadiga ee xarumahaasi iyo haddii ay jiraan habacsanaan dhanka shaqada ah, Bulshada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in gacan ay ka geystaan sugida Nabad gelyada, si gacan bir ah aan ugu qabano Nabad diidka”