Sheikh xasan ibraahim lugbuur oo ah wasiirka wasaarada garsoorka iyo cadaalada kgs ayaa markii ugu horeysey sheegey in wasaaradiisu ay u sameysey tababaro qeybaha ka shaqeeya howlaha garsoorka iyo cadaalada mudadii koobneyd ee uu wasaaradan xilkeeda hayey isagoo intaas ku sii darey in wasaaradu ay joogto hada heer wanaagsan marka loo fiiriyo xiligii isaga loo magacaabaayey
Wasiir lugbuur waxaa uu soo hadal qaadey is qabqabsiga dhulalka waxa uuna ku eedeyey iney taasi qeyb ka yihiin ganacsatada oo u sheegey in ay dhaqaale fara badan ku bixiyaan dhulalka oo ay qabsadaan dhulal waaweyn oo taasina keentey ciriiri dhulalka la degan yahay iyadoo dad kuna uu ku badanayaan soo galista magaalooyinka oo ay ka soo guureyaan baadiyaha barakaciyaasha laftirkoodana ay lasii qabsaneyaan joogista magaalada una baahdeen meelo ay degaan
Ugu dambeyntii si loo yareeyo is qab qabsiga dhulalka soo badaneya wuxuu sheegey iney ka soo saareen amaro uu ku sheegey in looga baahan yahay iney u hogaan saman dhamaan xafiisyada ka shaqeeya kala iibsashada dhulalka ee loo yaqaano nootaayada in ay iska diiwaan galiyaan wasaarada garsoorka iyo cadaalada maamulka koonfur galbeed
Tani ayuu ku sheegey wasiir lugbuur iney tahay mida kaliya ee looga hor tagi karo mushkiladaha ka dhasha isku qabsiga dhulalka isagoo xusey in notaayooyinka oo dhan hadii ay diiwaan galiso wasaarada ay sahli karto in aysan dhicin dhul isku qabsi maxaa yeeley nootaayada dadka dhulka isku qabsada u kala iibisey durba in la soo qaban karo lana ogaan karo cida dhulka iska leh iyo kan aan iska laheyn ee martey sharciga wasaarada garsoorka iyo cadaalada